Caqligu wuxuu kuu sheegayaa tan iyo bilowgaba in jidkani xiran yahay. Wuxuu ku leeyahay: natiijooyinka aad aragto been ma sheegayaan, qof ama meel aan wax wanaagsan kuu keenayn, balse maalinba maalinta ka dambaysa ku daalinaysa, inaad ku sii dheganaato wax macno ah ma leh.

Maskaxdu waxay kuu soo bandhigtaa xaqiiqooyin iyo digniino cad. Waxay kuu sheegtaa meesha aad ka istaagi lahayd iyo xadka aanay habboonayn inaad dhaafto.

Haddana, inkasta oo waxaas oo dhan aad ogtahay, haddana mararka qaar waxaad raacdaa cod kale oo gudahaaga ka imanaya. Codkaas ayaa gacanta kaa qabta, wuxuuna kuu horseedaa isla meesha xanuunka leh ee caqligaagu hore kaaga digay.

Nolosha, qofku wuxuu marar badan dhexda uga jiraa laba arrimood: waxa uu ogyahay inuu sameeyo iyo waxa qalbigiisu doonayo inuu sameeyo.

Dhinac, Nietzsche wuxuu aaminsanaa in qofku naftiisa ka adkaan karo, uu awood u yeelan karo inuu xakameeyo daciifnimadiisa iyo rabitaankiisa, oo uusan si fudud ugu dhaqmin waxa dareenku ku riixayo.

Dhinaca kale, Dostoevsky wuxuu si ka dhab ah u eegayay dabeecadda bani’aadamka. Wuxuu muujinayay in qofku mararka qaar si fiican u og yahay inuu khalad ku socdo, inuu og yahay in waddadu dhaawac u horseedi karto, haddana uu sii raaco.

Sababtu waxay tahay in dareenku qayb ka yahay waxa nolosha macne inoo siiya. Xitaa marka dareenkaasi dhaawacan yahay, haddana wuxuu ina tusayaa inaan weli wax jeclaan karno, wax u xiisi karno, waxna ka damqan karno.

Waxaa laga yaabaa in dhibaatada ugu weyn aysan ahayn inaan sameyno khaladaad jacayl iyo dareen ku dhisan. Dhibaatadu waxay tahay farqiga u dhexeeya waxa maskaxdeennu ogtahay inuu sax yahay iyo waxa qalbigeennu nagu riixayo inaan sameyno.

Caqligu wuxuu isku dayaa inuu na ilaaliyo. Wuxuu leeyahay: “Halkaas ha aadin, waad dhaawacmi doontaa.”

Laakiin dareenku mararka qaar wuxuu leeyahay: “Waan ogahay inaan dhaawacmi karo, laakiin weli waan doonayaa inaan isku dayo.”

Marka aynu dooranno wax aynu ognahay inuu xanuun nagu keeni karo, mar walba ma aha inaan garan la’nahay xaqiiqada.

Mararka qaar waxaan doorannaa inaan xanuunsanno annagoo weli wax dareemayna, halkii aan si buuxda uga fogaan lahayn dareenka oo aan nolol ahaan gudaha uga madhnaan lahayn.

Waana halka uu dagaalka dhabta ahi ka dhaco:

Maskaxdu waxay rabtaa inay ku ilaaliso.
Qalbigu wuxuu rabaa inuu ku nooleeyo.

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted