Mararka qaar marka guurka laga hadlayo, waxaan maqalnaa hadal si fudud loo yiraahdo: “Nin faqri ah ha guursanina.”

Laakiin waxaan is weydiinayaa, faqri miyaa dhibka ugu weyn, mise qof aan masuuliyad lahayn?

Lacagtu waa muhiim. Qoys jacayl keliya kuma noolaado. Waxaa jira guri, cunto, caafimaad, waxbarasho iyo baahiyo kale oo dhaqaale u baahan. Sidaas darteed lacagta lama yiraahdo waxba ma aha.

Laakiin ma saxna in qofka guurka loo dooranayo lagu qiimeeyo inta lacag ah ee uu maanta haysto oo keliya.

Nin maanta aan wax badan haysan, laakiin shaqeeya, dadaala, wax barta, qorshe leh, masuul ah oo doonaya inuu noloshiisa dhisto, ma la mid aha nin lacag haysta laakiin aan masuuliyad lahayn.

Faqri waa xaalad qof ku dhici karta. Shaqo ayaa lumi karta, ganacsi ayaa burburi kara, qofna maanta wax yar ayuu hayn karaa isagoo berri wax badan gaari kara.

Laakiin caajisnimo iyo masuuliyad-darro waa arrin kale.

Qof aan rabin inuu shaqeeyo, aan rabin inuu wax barto, aan qorshe lahayn, mar walbana dadka kale sugaya, dhibkiisu ma aha faqri oo keliya. Dhibku waa dabeecadda qofka.

Marka qof guur loo dooranayo, ha eegin jeebkiisa oo keliya. Eeg qofka uu yahay.

Ma yahay qof la aamini karo? Ma shaqeeyaa oo dadaalaa? Ma leeyahay qorshe nololeed? Marka dhib yimaado ma cararaa mise wuu wajahayaa? Marka uu qaldamo ma bixin kara raalli-gelin ? Ma ixtiraamaa qofka uu guursanayo? Ma qaadi karaa masuuliyadda qoys?

Su’aalahan ayaa ka muhiimsan: “Immisa lacag ah ayuu haystaa?”

Waxaa laga yaabaa inaad guursato nin lacag badan haysta, laakiin aan lahayn akhlaaq, dulqaad iyo masuuliyad. Waxaad heli kartaa guri qurux badan, laakiin haddii uusan guriga ka jirin ixtiraam iyo xasillooni, hantidu wax badan ma tarayso.

Dhanka kale, nin maanta wax yar haysta ayaa laga yaabaa inuu noqdo qof marka dhib yimaado ku yiraahda: “Ha welwelin, waan xallinaynaa.” Waa nin shaqeeya, dadaala, wax barta, qorshe leh, khaladkiisana qirta.

Qofkaas ha lagu degdegin in lagu yiraahdo “waa faqri.”

Waxaa muhiim ah in la kala saaro nin faqri ah iyo nin aan masuul ahayn.

Faqrigu ceeb ma aha. Qofku wuu faqri noqon karaa isagoo dadaalaya. Laakiin nin awood u leh inuu shaqeeyo, haddana aan rabin inuu wax qabto oo masuuliyadna aan qaadan, waa arrin si dhab ah looga fiirsado.

Ha guursan qof aad rajaynayso inaad mustaqbalka beddesho.

Ha oran, “Markuu i guursado wuu shaqayn doonaa.” “Markaan carruur yeesho ayuu masuul noqon doonaa.” “Markuu lacag helo ayuu akhlaaqdiisu hagaagi doontaa.”

Guurku qofka si mucjiso ah uma beddelo. Qofka aad maanta aragto si dhab ah u qiimee.

Haddii uu maanta yahay qof dadaala, masuul ah oo qorshe leh, waxaad haysataa saldhig wanaagsan. Haddii uu maanta yahay qof aan shaqayn, aan masuuliyad qaadan, oo aad ku tiirsan tahay rajada ah inuu berri is beddelo, waxaad halis ugu jirtaa sugitaan.

Ugu dambayn, halkii laga odhan lahaa “Nin faqri ah ha guursanina,” waxaan oran lahaa:

“Nin aan masuuliyad lahayn ha guursanina.”

Nin faqri ah haddii uu dadaalayo, waxaa laga yaabaa inuu berri hanti yeesho. Nin hanti badan haysta haddii uusan lahayn akhlaaq iyo masuuliyad, waxaa laga yaabaa in hantidiisu aysan kuu keenin xasilloonida aad filaysay.

Faqrigu waa xaalad laga gudbi karo. Masuuliyad-darraduna waxay noqon kartaa nolol dhan oo aad la noolaato.

Sidaas darteed qofka guurka ha ku qiimeyn waxa uu maanta haysto oo keliya. Eeg akhlaaqdiisa, masuuliyaddiisa, shaqadiisa iyo mustaqbalkiisa.

Sababtoo ah lacagtu way iman kartaa wayna tagi kartaa. Shaqadu way lumi kartaa oo mid kale ayaa la heli karaa. Hantiduna way burburi kartaa oo mar kale waa la dhisi karaa.

Laakiin qof aad maalin kasta la nooshahay, akhlaaqdiisa, masuuliyaddiisa iyo sida uu qalbigaaga ula dhaqmo ayaa ah waxa aad dhab ahaan la noolaan doonto.

Marka ha is weydiin oo keliya: “Immisa ayuu haystaa?”

Is weydii: “Haddii uu maanta wax walba waayo, ma weli yahay nin aan ku aamini karo nolosheyda?”

Jawaabta su’aashaas ayaa laga yaabaa inay ka muhiimsan tahay dhammaan hantida aad indhahaaga ku aragto

Uukow Media

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted